Mudane, Ra’isul Wasaare iska Sax, Blue Economy.

Araar.

Yaan loo qaadan Dhaliil, waa khalad iiga muuqday Dukument ka soo baxay XRW.

1. Warqadda Tixraac XRW 0074/30/2022 ee ku Taariikheysan 30/11/2022 . waxaa lagu bedaly Magacii “Wasaarada kaluumeysiga iyo khayraadka Badda” loona bixiyay “Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah”.
waxaa ku Qoran Warqadu in ey dhaqan galee marka uu saxiixo RW, waxa uuna saxiixay 30/11/2022. Halkaa waxaa ku cad in ey dhaqan galee Taariikhdaa kor ku xusan.

isla warqadaa waxaa ku qoran, waxaa la bedelay Magacii hore. Waxaana la bedelay laga Bilaabo 30/11/2023. taa oo u muuqato in bedelku uu bilaabanayo Sannad kadib waa 2023, hore ayaana loo yiri: Waxa uu dhaqan galaa marka uu saxiixo RW oo aheyd 30/11/2022. Halkaa khalad ayaa iiga muuqdo. ( F.S: 1aad)

2. Magaca cusub ee loo bedelay oo ah “Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah”. Marka laga Hadalayo qeexidda Dhaqaalaha Buluuga ah, waxa uu ka kooban yahay: Kaluunka, Noolaha kale ee Badda ,Gaadiidka Badda, Dalxiiska Xeebaha, Macdanta, Shidaalka Gunta Badda, Meelaha lagu farsameeyo Maraakiibta iyo Doomaha, Quwadda laga dhaliyo Biyaha Badda iyo Maceynta Biyaha Badda.

Mar haddii la yiraa Dhaqaalaha Buluuga ah, Kaluunku waa ka mid, waxaa haboon intii la dhihi lahaa “Wasaarada Kaluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugaa” in lagu soo koobo “wasaarada Dhaqaalaha Buluuga ah” oo kaliya oo aan Kaluunka laga soocin dhaqaalaha kale ee Buluuga ah, sida ku cad qeexidda Dhaqaalaha Buluuga ah ama sida Caalamku u yaqaan.

3. Haddii si kooban aan u qeexno nuucyadan dhaqaalaha Caalamku sida uu u yaqaan.

a) Blue Economy: Si kooban waa in si joogta ah loo horuumariyaa khayraadka Badda iyo Xeebaha, mar marna waxaa lagu daraa Harooyinka iyo Wabiyadda. Aragtidan “Blue Economy” waxaa badanaa laga soo qaatay Buugii uu qoray: Mr. Gunter Pauli 2010 uuna uga hadlay sida looga faa’iideysanayo Dhaqaalaha Buluuga ah, waan jeclaa lahaa in Wasaaradu ka faa’iideeysato Buugaa iyo Buugaata kale ee laga qoray Siyaasadda Dhaqaalaha Buluuga ah, policy of Blue Economy.

b) Green Economy: Waxa mid ku kooban joogeeynta dhaqaalaha si gaar ah, Gaadiidka Badda,Tamarta iyo Warshadaha la xiriiro wax soo saarka khayraadka Badda.

c) Orange Economy : Waa dhaqaale Asalkiisu ku Saleeysan yahay, Hal abuur, Cilmi Baaris, khibrad, Fikrado, Xuquuq qoraal, IWM.

d) Grey Economy : Waa dhaqaale Sharciyeysan, Laakin aan la ururin lana habeeyn.

e) White Economy: Waxa uu la xiriiraa Daryeelka Cafimaadka gaar ahaan Dadka Baahiyada Gaarka ah qabo iyo kuwa Da’da ah, in loo faa’iideeyo laga faa’iideysto.

f) Black Economy : waa dhaqaalaha kuwa ku shaqeysto wax ka baxsan Habka nidaamka maaliyadda & Cashuuraha. Dowladuna ey war qabto, Laakin aan laga qaadin Cashuurta ku waajibtay.

g) Red Economy :waa dhaqaalaha kuwa qaato dhuuxa khayraadka, reebana Haraagga wasakhda ah.

h) Silver Economy: waxaa laga soo qaatay Dalka Japan oo ku maalgaliso Cafimaadka Dadka Da’da ah. Dalkaa oo tira badan oo Dadkiisa ahi ey aad u cimriyaan kana weyn yihiin Da’da 65 sano jirka ah.

4. Aragtida Caalmka iyo Dhaqaalaha Buluuga ah:

African Union ayaa leh: Dhaqaalaha Buluuga ah, Qaarada Africa waxa ey ka heshaa Sanadkii $ 300 Billion, waxaana shaqo ka helay 49 Million oo Qof.

World Bank: waxaa haboon in si wanaagsan loo isticmaalo khayraadka Badda lana dhowro Ecosystem-ka.

EU: Blue Economy, waa in lagu daro dhamaan Warshadaha la xiriiro wax soo saarka Badda oo lagu horuumariyo Maal gashiga iyo Mustaqbalka Yurub.

Baddu waa Buluug inta Cirka ka koreeyo uu Buluug yahay. Muhimaddu waa khayraadka ku jiro iyo sidii looga faa’iideysan lahaa.

FG: Aragtiyeyda Labada qodob ee Sare ku qoran 1 &2 ee warqada Ra’isul Wasaaraha waa Aragti qofeed. wixii aan ka khalday ka sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here