Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa warbnixin cusub waxay ka soo saareen xaalada dalka gaar ahaan roobabka iyo fatahaadaha wabiyada oo dalka intiisa badan saameyn ku yeeshey hadey khasaare nafeed tahay iyo mid hantiyadeedba.
Hay’addu waxay sheegtay inay soo food-saartay dhaqaale la’aan,raashin badan inay hayaan ayay hay’adu cadeysay balse dhaqaalihii lagu daabuli lahaa ayay ka cabaneysaa.
“waxaan heynaa Raashin badan kuwa kalana way noo soo socdaan balse ma heyno dhaqaalo gobalada dalka aan ku gaarsiino”ayuu yiri Agaasimaha xarunta howlgalada gurmadka deg-degga ee hay’adda SoDMA Xasan Cabdulqaadir ciise
Agaasimaha oo warfidiyeenka la hadlaayay ayaa sheegay in ay kordheen qasaraha ka dhashay daadadka El-Niño.
islamarkaana tira koobka ugu danbeeya ee dhimashada hada ay mareyso 118 ruux kuwaasoo guud ahaan goboalda dalka ugu geeriyoodeen roobabka
Sidoo kale Agaasime Xasan Cabdulqaadir ciise wuxuu carabka ku dhugtay in fatahadu saameysay 2.5 milyan ruux halka ay barakaceen 1-milyan ruux.
“waxaa gar-gaar gaarsiiyay 170 kun ruux inaga iyo Hay’ado kale oo samafalka bixiya”ayuu yiri Agaasime Xasan Cabdulqaadir ciise.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
No description available.
Previous articleKulanka Xasan Sheekh iyo Ismaaciil C.Geelle ka hor shirka IGAD+SAWIRRO
Next articleXildhibaanada labada Aqal oo Maanta meel marsadeen mushaar kordhin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here