Muqdisho, Khamiis, 1-da February 20241- Madaxweynaha Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey amniga iyo la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

2- Madaxweyne Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka Afrika iyo Talyaaniga ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

Advertisement

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir madaxeedka Afrika iyo Talyaaniga ka sheegay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalka, kuwaas oo waxtar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga wuxuu kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Comoros,ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, Azali Assoumani .

5- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray xulka Galmudug oo ku guuleystay tartanka maamul gobaleedyada dalka, kaas oo lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Switzerland u fadhiya Soomaaliya, Valentin Zellweger.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay doqlad dhiska Soomaaliya.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa daah-furay shirka 6-aad ee Garsoorka,oo ay qeybgalayaan dhammaan bahda garsoorka dalka.
o
9- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) inuu noqdo Wasiirka Beeraha, halka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) loo magacaabey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo gargaarka oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya, Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

12- Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Guido Crosetto.

13- Wasiirka Maaliyadda ee Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐢𝐧𝐚 𝐒𝐯𝐞𝐧𝐬𝐬𝐨𝐧.

14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xassan Macallin Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay madaxda Hey’adda TIKA ee Turkiga.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys ayaa khadka fogaan aragga uga qeyb galay banaanbax ay jaaliyadda Soomaaliya ee gobolka Minnesota uga soo horjeedeen xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

16- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige aya shir-guddoomiyay kulanka guddiga maamul-wanaaga maaliyadda ee ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay/adaha dhaqaalaha adduunka.

17- Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Mudane Cali Cumar, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo Madaxa IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamuud Cabdi Axmed.

18- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 oo hadal ka jeediyay munaasabadda maalinta furdada ayaa uga mahadceliyay dhammaan madaxda iyo shaqaalaha furdooyinka, hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan.

19- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhameystirka dib u eegista iyo wax ka beddelka dastuurka.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray xulka kubadda cagta ee Galmudug oo ku guuleystay tartanka maamul gobaleedyada dalka.

21- Xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku guuleystay koobka tartanka ciyaaraha ee maamul gobaleedyada dalka.

22- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxa uu dowladda Ruushka kala wareegay mar kale markab sida shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadkii El Nino.

23- Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qayb galay shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

24- Howlgal qorsheysan oo ay wadajir uga fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah degaanka Jeex jeexa ee koonfurta gobolka Mudug ayaa lagu burburiyay gaari Khawaarijtu ku soo raratay waxyaabaha qarxa iyo maleeshiyaad la socday oo halkaasi lagu laayey.

25- Hawlgal ay sii wadajir uga fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Khawaarijta degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

26- Ciidamada Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka degaanka ayaa howlgal milateru ka fuliyay degaanka Cali Xayle ee ku yaalla xadka Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

27- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo jab xooggan gaarsiiyey Khawaarij isku dayay in ay weeraran deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

28- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay 6 ka tirsan Khawaarijta Al Shabab degaanka Caad ee koonfurta gobolka Mudug ee Galmudug.

29- Hawlgal ay iska kaashadeen hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu burburiyay xarunta kaydka gaadiidka iyo hubka Khawaarijta ee Buq-Aqable ee bartamaha Soomaaliya.

30- Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32aad ee dalalka Bariga Afrika ee ciidamada heeganka, kadib markii bayaankii ka soo baxay aan lagu caddeyn mowqifka dalalka ee xad gudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

31- Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracan ee Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan dhulka iyo biyaha Soomaaliya aan lagu soo xadgudbi karin.

32- Salaadiinta, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee gobolka Awdal ayaa mar kale ka soo horjeestay heshiiska sharci darrada ah ee Ethiopia ay la gashey Somaliland kaas oo xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

33- Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raali galin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Dowladda Itoobiya oo ugu gafay dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

34- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa toogtay mid ka mid ah argagixisada naf la caariga ah oo doonayay in uu dhibaato u geysto bulshada Beledweyne.

==============DHAMMAAD==============

Previous articleMaxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada
Next articleSaciid Ciise: Gogosha Deni waa dabin horudhac ah oo lagu soo xero gelinayo..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here