NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Xaafadda South CÂ Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa qoys Soomaaliyeed waxa ku qabsaday dhacdo muragadeeda leh kadib dab qabsaday gurigooda oo caruur badan ay ku sugnaayeen.
Inta la ogyahay sedex caruur ah ayaa ku dhimatay halka kuwii kalana laga soo bad-baadiyay oo daaqadaha guriga laga soo tuur-tuuray.
Dabka oo ka kacay qarax ka dhashay korontada gaar ahaan dhalo caruurtu daawaneysay taasoo keentay in si kedis ah dabku ku faafo dhismaha Huda Apartment oo qoyskaani ka deganaa dabaqa 1-aad.
hooyada caruurta oo aad u dadaashay ayaa la soo sheegayaa in dabka marka uu kacay qolalkii ku xirmeen caruurta balse ay daaqada jabisay saasna ku gashay ,hooyada waxaa u suuragashay in qolkaasi caruurtii ku suneyd inay daaqada ka soo wada tuurtay,sidoo kalana iyada laftigeeda daaqada iska soo tuurtay balse sedexda aan idin sheegnay oo caruurta ka mida oo qol kale uu ku xirmay ayaa ku dhintay dabkaasi rabi ha janeeyee.
Caruurtaan waxaa aabe u ah oo dhalay Nin lagu magacaabo Axmed Nuur, oo dhawaan kasoo laabtay soo gudashada waajibaadka xajka.
Taliyaha booliiska Nairobi, George Seda oo ka hadlay dhacdadaani ayaa sheegay in caruurta geeriyootay ay ku neef qabitimoobeen uurada iyo qiiqa dabka oo ay afka ka keeneen markii ay ku neefsadeen kuwaasoo da’doodu u dhexeeyo 2 jir ilaa 5 jir .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
