Iyadoo la ogyahay in kiisaska ku lugta leh Arrimaha sirdoonka aysan ahayn kuwo badanaa lagu qiimayn karo xaalad caadiya, marka horaba hay’adda waa hay”ad u dhisan dabagalka, Qaarijinta & Qorshayaal qarsoon oo loo gaysto dad diidan danaha dalka ama danaha dad gaar ah,

Qofka hay’addaas kubiiraya ama qayb ka noqonaya waxaa marka horaba horyaal in uusan ku xisaabtamin Xaalad lamid ah xalaadaha kale ee ciidanka qaybihiisa kale,

Milatariga iyo booliska shaqadooda waa mid muuqata oo leh dabagal iyo raad raac sharci ah, fal kasta oo uu gaysto boolis ama milatari waa mid ku dhaca qaab cad & qorshe qayaxan,

balse Nabadsugidda waa dharcad loogu talo galay howlagalada qarsoon, Askariga ama shaqsiga ah Nabad sugid, waxa kaliya ee shaqadiisu tahay waa in uu wax shirqoolaa ama isaga la shirqoolaa, hadii canugaada ahaay nabadsugid taasna aad ku ogayd, waxaa kugu waajib ah in aad ku qanacdaa falalka ah in isaga wax shirqoolo lana shirqoolo isaga, qof shaqadiisa shirqool ahayd oo la shirqoolay sharci madax banaan oo awood uleh inuu baaro kama jiro soomaaliya xiligaan. Waana arrin sir ah oo ku maqan gacanta sirdoonka, sida kaliya ee lagu ogaan karana waa sirdoonka oo kasoo saaro war cad.

Kiiska ikraan isagoo aan ka baxsanayn nabadsugid ku maqan gacan nabadsugid, ayaa waxaa si fudayd ah usoo guda galay madaxa xukuumadda, Qof walba oo wax daraaseeya wuu ogaay in aan kiiskaan laga gaari doonin natiijo sahal ah, balse iswaydiinta maanta ayaa ah Aaway balanqaadkii Agaasimihii hore ee Nisa balan qaaday in uu kiiskaan ka hadli doono ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here