Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka kaas oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Ugu horreyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay taasi oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii ka horreyay ee 2020-ka, isaga oo sheegay in ay DFS ay ka go’an tahay xoojinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxa aan maanta shir Guddoomiyay kulan uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya (Economic Outlook). Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxaa naga go’an inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka dib-u-habaynta Maaliyadda si aan fursado ugu abuurno dadkeena.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar uu sameeyay sanadkii hore iyada oo ay jiraan caqabado waa wayn.

Warbxinta sanadlaha ah Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay in abaaraha ba’an ee qeybo badan oo Dalka ka jira ay dhaqaalaha samayn xooggan ku yeesheen, iyada oo Abaarta ka jirta guud ahaan dalka ay ku barakaceyn in ka badan Hal milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here