Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaqangalisay digniino amni ee ay soo saartay dhawaan, golaha wasiiradda iyo xildhibaanada ayaa lagu bilaabay in dhammaan Ilaaladooda shaki laga muujiyo, loogana reebo meel kasta oo xarumaha dawladda ah.

Wasiirka Amniga gudaha Dr, Maxamed Doodishe iyo xildhibaano la socday ayaa maanta loo diiday in ay ilaaladooda lagalaan wadada jeyga ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo telfoon kula hadlay wasiirka Amniga gudaha ayaa ku amray in uusan ilaalo lagaleynin xarunta Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha cusub oo la furayey.

Mahad Salaad ayaa amray in la xiro dhammaan Ilaalada wasiirka Amniga gudaha, gaarigana laga reebo, taas oo la dhaqangaliyey, wasiirkuna gudaha galay isagoo Ilaaladiisii laga reebay.

Maalin ka hor, wasiirka gaashaandhiga ayaa isna loo diiday in uu ilaaladiisa lagalo gudaha garoonka iyo Madaxtooyada, taas oo muujinaysa kala shakiga gudaha Hay’addaha dawladda.

Maalmo kahor, Raysalwasaare Xamse iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Aaden Madoobe ayaa la mamnuucay in ay Ilaaladooda gaarka ah oo hubeysan layimaadaan Masaajidka Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here