Shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu bilaabay baaris dheeraad ah, waxaana lagu soo rogay amaro cusub oo ka yimi dhinaca NISA, oo kala ah,

Taariikh Nololeedkiisa iyo xogtiisa gaarka ah in uu keeno (CV- oo ay lasocdaan Shahaadooyinka cadeymaha-Damiinkiisa shaqada), Baasaboorkiisa ama Aqoonsiga kaarka dhalashada (2 Sawir oo cusub), Haddii uu Gaari & hub leeyahay iyo sharciyada u haysto.

Horey dhammaan macluumaadkan ayaa u yaala Xaafiiska Waaxda Shaqaalaha ee madaxtooyada oo keydisay, talaabada cusub ayaa la aaminsan yahay in ay la xariirto sidii banaanka loogu saari lahaa shaqaalaha qaarkood.

Hadda Shaqaalaha, waxaa wareysi ka qaadi doona, xubno katirsan Hay’addaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA), oo laga soo diray Xarunta Hay’adda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here