Muqdisho (dayniiile.com)-Qaar ka mida suuqyada ku yaal Xamar ayaa wajahaya culeysyo amni kadib amar Dowlada Soomaaliya ka soo baxay oo ah in goobaha ganacsiga lagu xiro Kaamirooyinka qarsoon.

Culeyska ayaa ka yimid markii dhanka Alshabaab iyaguna ku hanjabeen goobtii Ganacsi ee u fulisa amarka dowlada inay weerari doonaan taasoo ku noqotay ganacaatada laba daran mid qaado.

Advertisement

Cabsida ugu weyn waxay timid markii habeeno ka hor la qarxiyay farmashi ku yaal xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid saqdii dhexe 2 habeen ka hor markii uu xirtay kaamirada ay dowaladu ku amartay.

Goobaha ganacsi qaarkood ayaa xiran iyagoo cabsanaya halka dhanka Dowladana ay daba gal ku hayaan tukaamada u hogaansamay hanjabaada Alshabab.

Dadka degan nawaaxiga suuqyada yar yar ayaa aad ugu dhib qaba markii ay damcaan inay soo dukaameystaan ayay dantu ku kaliftaa inay goobo ka fog aadaan madaama kuwii u dhawaa cabsi darteed loo xir xirtay.

“Wareerka heysta Ganacsatada waxay uga bixi karaan inay go’aan adag qaataan oo cabsida meel iska dhigaan una hogaansamaan amarada Dowlada Soomaaliya”ayuu yiri mid ka mida ganacsatada.

Masuuliyiinta Hay’daha amniga si rasmi ah ugama hadlin cabsida shacabka qaar soo wajahday ee keentay inay goobahooda xiraan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCali Jeyte Cusmaan oo digniin u direy shacabka ku dhaqan meelaha Al-shabaabku xukumaan
Next articleMadax Caalamiya iyo Hay’ado soo dhaweeyay ku biirista Somalia ee Ururka Bariga afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here