HomeWarkiiWargeys Britain ka soo baxa oo saadaaliyay in Muqdisho ay Alshabaab qabsan...

Wargeys Britain ka soo baxa oo saadaaliyay in Muqdisho ay Alshabaab qabsan doonaan sidii Daalibaan u qabsatay Kabul

Wargeys ka soo baxa Dalka Britain ayaa daabacay saadaal sheegeysa in Magaalada Muqdisho ay ugu danbeyn mari doonto wadadii ay hore u mareen magalooyinka Kaabul iyo Dimishiq oo ay ugu danbeyn la wareegeen.

Wargeyska ayaa warbixin digniin u badan ka soo saaray arintaani wuxuna qorey in Alshabaab sidi hore ka soo xoogeysteen oo ay hada awood ku leeyihiin gobolada koofureed iyo bartamaha Somalia.

Wargeyska oo lagu magacaabo The Opserver wuxuu intaasi ku daray in kooxda Alshabaab ay sanadkaan kaliya qabsadeen dhul balaaran islamarkaana ay gaareen afaafka Magaalada Muqdisho.

Wariyaha diyaariyay warbixintaan ee ka tirsan Wargeyska The Opserver  ayaa booqasho ku tagay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo ka mid ah koonaroolada laga waardiyeeyo Magaalada Muqdisho kadib markii dhawaan halkaas ay Alshabaab kala wareegeen Ciidamada Dowlada iyo AUSSOM .

Wariyaha wuxuu warbixintiisa ku sii sheegay in saraakiisha Milareriga Somalia iyo kuwa AUSSOM ee ku sugan Awdheegle ay u sheegeen in koontaroolkaasi yahay mid jiicsan oo markasta ay suurtagal tahay in Alshabaab dib ula wareegaan islamarkaana ay ka dhaw yihiin dagaalamayaashu.

Wargeysku wuxuu soo xigtay Axmed Ciise Cawad kaasoo ciidamada Dowlada Somalia ku sheegay ciidamo kala daadsan,oo aan lahayn caqiido,wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu u dhisnayn qaab ciidan.

Sidoo kale wargeyska wuxuu soo qaatay in Alshabaab sheegeen inay iyaga fursad u tahay kala qeybsanaan ka iman karta isku day la sheegay in Madaxweyne Xasan ku doonayo inuu mudo kororsi sameysto,sidoo kale wareyska wuxuu sheegay in Alshabaab saameyn ku leedahay Muqdisho oo ay adeegsadaan tabaha ah in bulshada laga horkeeno Dowlada sida hore aduunka uga dhacday.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -