ISTANBUL (DAYNIILE.COM)-Shacabka Dalka Turkiga ayaa weerar ku qaaday Xarun Wargeys oo ku taal Magaalada Istanbul ee dalkaasi kaasoo sawir gacmeed ku aflagaadeeyay Nabigeena Muxamed Nabad-gelyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee.
Shacabka Turkiga waxay si wayn uga caroodee talaabada uu qaaday Wargeyska lagu magacaabo Le-Man taasoo keentay inay werar ku qaadaan xarunta Wargeyska iyagoo qaadan waayay in Turki oo ah dal Muslim ah maanta lagu dhex alagaadeeyo Nabigeena Muxamed salalaahu caleyhi wasalam.
Shacabka ayaa ku weeraray xarunta Wargeyskaasi ee mgalada Istanbul budad iyo dhagaxaan,xili masuuliyiin ka tirsan Dowalada Turkiga sida Agaasimaha Isgaarsiinta ee Dowlada Turkiga uu si adag u cambaareeyay sawir gacmeedyadaas lagu aflagaadeeyay Nabigeena Muamed Nabad gelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.
Booliiska ayaa ka hortagay shacabka si ay uga hor istaagaan weerarka ay ku qaadeen xarunta wargeyskaasi.

“maaha mid lagu dabooli karo xorriyadda saxaafadda Aflagaadada iyo ixtiraam darada lagu hayo Nabigeena NNKH oo ah hagaha kaliya ee Muslimiinta,” ayuu yrii Agaasimaha Isgaadhsiinta dowlada Turkiga.
Dhanka kale Dowlada Turkey ayaa arintaan u soo xirtay 4 ka mida shaqaalihii Wargeyska Le-Man, sidoo kale waxa la bilaabay baaritaan sharci ah oo arintaani daba socota sida uu shaaciyay Xafiiska xeer ilaalinta dalka Turkey.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
