Advertisement

Advertisement

Maqribnimadii 15-kii May, booliiska Somaliland ayaa xidhay Bushaaro wax yar ka dib markii ay ka soo gashay magaalada xuduudka ah ee Wajaale ee Itoobiya, sida ay sheegeen warbaahintu, weedho badan oo ay soo saareen ururada xuquuqul insaanka iyo Mubaarig Maxamuud Cabdi oo ah qareenka weriyaha oo la hadlay CPJ. Habeenkaas, maamulka ayaa u gudbiyay xabsiga booliska caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Ciidamada booliiska ayaa laad iyo dharbaaxo ku dhuftay Bushaaro markii la xirayay, waxaana uu dhaawac kasoo gaaray wajiga iyo lugaha, sida ay sheegeen ilo wareedkaas iyo warbaahinta kale.

Subaxnimadii 17-kii May waxa ay Bushaaro ka soo hor-muuqday maxkamadda gobolka Hargeysa iyada oo aan wax sharci ah lagu soo taagin, halkaas oo ay masuuliyiintu ku eedeyeen dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin faafinta borobogaando iyo inay wax u dhimayso amniga qaranka Somaliland iyo midnimada Somaliland, balse si rasmi ah looguma soo oogin dambi. Maxkamaddu waxay amartay in la sii haayo ilaa maalinta xigta ee maxkamadda oo ku beegan May 25.

Bushaaro, oo iyaduna la socota Bushaaro Baanday, ayaa ka warbixisay siyaasadda Somaliland, waxaanay faallooyin naqdiyaan ah ku qortay boggeeda Facebook, oo ay ku leedahay ilaa 790,000 oo taageere.

“Suxufiyiinta Somaliland Bushaaro Cali Maxamed waa in lagu sii daayaa shuruud la’aan iyo dib u dhac la’aan, waana in loo ogolaadaa inay ka warbixiso arrimaha danta guud iyadoo aan la faragelin,” ayuu yiri wakiilka CPJ ee Afrikada Saxaraha ka hooseeya, Muthoki Mumo. “Lahaanshaha fikrad diidmo ama dhaleeceyn waa inaan weriye kasta la gelin xabsiga. Mas’uuliyiintu waa inay dhiirigeliyaan halkii ay caburin lahaayeen aragtiyaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda.”

21-kii Maajo, saraakiil ka tirsan waaxda dambi-baadhista ee booliska Hargeysa ayaa Bushaaro ku waraystay Mubaarig goob joog ahaa.

Bushaaro ayaa intii ay su’aalahaas weydiinaysay waxay ka dalbatay saraakiisha CID-da in ay u ogolaato in ay hesho daweyn dhaawacyada ka soo gaaray xariga iyo sidoo kale qandho iyo madax xanuun, sida ay warbaahinta u sheegeen Mubaarig. Waxay sidoo kale ka cabatay xaaladaha lagu xiray, oo ay ku jiraan “mugdi ku jira xabsiga keligiis, jimicsi la’aan, xaddidid booqashooyinka qoyska iyo la’aanta helitaanka ku filan ee qareenadeeda,” Mubarik ayaa bartiisa twitterka soo dhigay.

Mubarik ayaa sheegay in ciidamada CID-da ay u ogolaadeen Bushaaro Isniintii in ay la kulanto dhaqtar u soo qoray dawooyinka xanuunka baabi’iyaha ah, waxa uuna sheegay in ay u balan qaadeen in ay geyn doonaan isbitaal ayna u ogolaan doonaan in ay soo booqdaan qareenadeeda iyo qoyskeeda

CPJ ayaa isla markiiba go’aamin kari wayday warbixinta ku kaliftay xadhiga Bushaaro. Muuqaallada ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga, oo CPJ ay dib u eegtay, ayaa waxaa ka mid ah wareysiyo ay dadka la yeelatay oo ku saabsan daadadkii ka dhacay mid ka mid ah magaalooyinka Somaliland iyo dayacaad caafimaad oo ay sheegtay. Waxa kale oo ay dhaliilo u soo jeedisay maamulka Somaliland oo ay ugu baaqday in dadku ay dawladdooda ka dalbadaan la xisaabtan dheeraad ah.

Bogga Facebook ee Bushaaro ayaa sii waday cusbooneysiinta tan iyo markii la xiray, iyadoo qoraallada qaar ay saxiixeen “admin.” CPJ ayaa fariin u dirtay bogga si ay faallooyin uga bixiso balse ma aysan helin wax jawaab ah.

Bushaaro waxay ku dhalatay Somaliland, balse waxay ku nooshahay dalka Ingiriiska, halkaasoo ay ka haysato laba dhalasho. Isagoo ka jawaabaya codsi faallooyin ah oo ku saabsan Bushaaro, wakiil ka socda Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa ayaa email ugu sheegay CPJ in saraakiisha UK “ay taageerayaan qoyska haweeney British ah oo ku xiran Somaliland ayna la xiriiraan maamulka deegaanka.”

Hay’adda CPJ ayaa fariin qoraal ah u dirtay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Suleyman Cali Yuusuf, Taliyaha Booliska General Maxamed Aadan Saqadhi, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hasan Aden si ay wax uga hadlaan balse ma aysan helin wax jawaab ah.

CPJ waxa kale oo ay la xidhiidhay Wasaaradaha Warfaafinta, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Caddaaladda Somaliland Emailo,Twitter-ka iyo mareegaha ay ku leeyihiin,balse waxa ay heleen farriimo khalad ah ama jawaabo looma hayo.

 

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here