Wariyihii hore ee telefishanka Dowladda  Afgaanistaan iyo laba qof oo kale oo rayid ah ayaa lagu dilay qarax bam oo ka dhacay Kabul halka dad kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen.

Yama Siawash wuxuu dhintay markii bam lagu xiray gaarigiisa uu ku qarxay meel u dhow hoygiisa oo ku yaal caasimada Afghanistan,sida uu Saxafiyiinta u sheegay  afhayeenka booliska Ferdaws Faramarz.

Goobjooge, Mohammad Rafi, ayaa sheegay in Siawash aabihiis iyo walaalkiis ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee Gaariga oo ololku ka kacay.

Siawash, oo dhowaan ku biiray bangiga dhexe ee Afghanistan isagoo la taliye ah, wuxuu ahaan jiray nin caan ah oo soo bandhiga arrimaha siyaasadda iyo arrimaha ,waxaana ka howlgeli jiray Tolo News, oo ah kan ugu weyn TV-ga gaarka loo leeyahay ee dalka Afghanistan.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here