Qaar kamid ah ajaaniibta ku dhaqan Magaaladan İstanbul ayaa ka cabanaya koox dhar Polis ku labisan oo dhac iyo Lacago baad ah kula kacaysa ajaaniibta ayagoo ugu hanjabaya inay ka qaadanayaan Passporka , Musaafirin doonaana hadaysan bixin lacago baad ah , qaarkoodna Guryaha ugu imaanaya ama meelaha cidlada ah .

Dadka usoo dacwooday Xaarun qaabilsan ladagaalanka Budhacada ee Magaaladan İstanbul waxaa ka mid ah : Ganacsade Ciraaqi ah oo magaciisa lagu soo koobay R .Q waxaa laga qaatay $1,200 , sidoo kale Ciraaqi kale oo heysta dhalashada Norwey magaciisa Y.J.A lacag dhan $1kun ama ( $1,000 ) , Dalxiise udhashay Algeria Magaciisa D.H Lacag dhan 3kun iyo 7Boqol Lacagta Yuroowga ah , Macalin Fransiis ah lacag dhan 1,100 Euro , Ciraaqi kale H.I Lacag dhan 1,200 dollar , Yemeni isna magaciisa loo soo gaabiyey A.M.A.D lacag dhan 1,000 dollar , Lubnan dalxiise ah lacag dhan 900dollar , intaas waa inta soo dacwootay kaliya .

Hadaba , Dadkaas Cabashadooda kadib Laamaha iyo Xafiiska qaabilsan Budhcada ee loo yaqaano ( Asayiş Şube Yankesicilik ve Dolandırıcılık Büro Amirliği ) dabagal ay sameeyeen ayagoo adeegsanaya Kaamerooyinka waxay gacanta kusoo dhigeen Xabsigana udhaadhiciyeen ilaa 4qof oo Turkey iyo Ajaaniib isugu jirta oo kala ah : İraani lagu magacaabo Ahmad A ( 52jir ) , Şahin C ( 31jir ), Mehdi B.Z ( 31 jir ) iyo Macid A. ( 36jir ).

UJEEDKA QORAALKAN waa : in Muwaadiniintena ay isjiraan , qofkii Sharci idin weydiiyana iska eega marka hore aqoonsigiisa iyo Meesha in ay ahaato meel Public ah , cidaa isdhahdaan waa Polis maya wax ka baxsan Sharcigaaga in laydin weydiiyo , alaabana waxay gaadaan dadkey isdhahaan waa cusub yihiin ama Luuqada aqoonin iyo meelaha Cidlada ah , Sharciga haday idin ka qaadaan oo bixiya lacag iyo waxkale idin dhahaan marnaba hakayeelina .

Diyaarintii : Abdullahi Hussein ( Abdullahi Abtdioon )
Xoghayaha Guud ee Jaaliyada Turkiga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here