War-Saxaafadeed
Ciidanka Qalabka Sida iyo Geesiyaasha Deegaanka oo Jab Xooggan u Geystay Khawaarijta Dagaal ka Dhacay HirShabelle
Muqdisho, 22-ka Juun 2025: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya geesiyaasha deegaanka ee Macawisleyda, ayaa jab xooggan u geystay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, kaddib dagaal culus oo ka dhacay deegaannada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan, Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle.
In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa lagu dilay dagaalka, halka tiro intaasi ka badan la dhaawacay
Ciidamada Qalabka Sida iyo geesiyaasha degaanka ayaa wali wada hawlgallo lagu raadraacayo firxadkii ka haray kooxda, si loo baabi’iyo haraadiga Khawaarijta ee isku dayaya in ay baxsadaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa go’aankeeda ku aaddan difaaca shacabka Soomaaliyeed, ilaalinta midnimada qaranka, iyo ciribtirka guud ee Khawaarijta caadeystay daadinta dhiigga shacabka.
-DHAMMAAD-