Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay si kulu ugu cambaareysay qarax lagu hoobtay oo shalay ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

War-saxaafadeedka ayaa ku bilowday sidan:-

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa labo is-qarxin argagaxiso fulaynimo leh oo lala beegsaday maanta suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Bagdaad, oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq ayaa waxa ay markale ku celinaysaa inay ku garab taaggantahay walaalaha Ciraaq dadaalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan nabadda iyo deganaanshaha, ugana hortagaan nooc kasta oo argagaxiso iyo xagjirnimo, waxayna muujineysaa inay ka damqanayso dhibtaasi, uguna tacsiyeynayso qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo u rajeynaysa dadka ku dhaawacmay soo kabasho degdeg ah.

-Dhammaad-

Hoos ka akhriso isagoo ku qoran luqada carabiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here