Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumada Federaalka Soomaliya waxa ay u hamablyaynaysaa Guddoonka Cusub ee ay doorteen Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyo iyo Bogaadin u diraysaa Guddigii Qabanqaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle, hay’adaha amniga oo suuragaliyey habsamida nabaddgalyada Doorashada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu dambayntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddoonka Cusub ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here