Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka G/Banaadir ayaa Gadiid Caafimaad nuuca gar-gaarka deg-degga ah (Ambulance) kala wareegay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa sheegay in Gaadiidkan loogu tala-galay fududeynta gargaarka Bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho, asigoona sheegay in ay ka go’an tahay taageerida dhinacyada Caafimaadka Gobolka Banaadir, si bulshada ay u helaan adeegyadda aas-aasiga ah ee Caafimaadka.

Advertisement

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshadda Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ka mahadceliyey Gadiidkaan lagu wareejiyey, asigoona tilmaamey in loogu adeegi doonno bulshada si loo xaqiijiyo badqabkooda.

—DHAMAAD—

Previous articleFahad Yaasiin oo si kulul uga hadlay dhacdadii xalay lagu laayay saraakiisha Imaaraadka
Next articleMaamulka Gobolka Banaadir muxuu u hadli la’yahay cabashada ganacsatada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here