Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa qabanaya kulan soo dhaweyn iyo maamuus heer sare ah oo loogu sameynayo Ramla Cali, gabadha Soomaaliyeed ee magaca dalka ku sharaftay caalamka ciyaaraha feerka.
Ramla Cali waa astaan dhiirrigelin iyo geesinimo u ah dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, iyadoo ku dayasho mudan guulaha ay gaartay iyo sida ay u matashay calanka iyo magaca Soomaaliya.
Kulankaasi waxa uu ka dhici doonaa Garoonka Eng. Yariisow, waxaana qeyb ka noqon doona ciyaar saaxiibtinimo oo dhex mari doonta gabdhaha xulka qaranka 17-jirada iyo gabdhaha xulka qaranka 20-jirada.
XIGASHO XIRIIRKA KUBADA CAGTA SOMALIA

