HomeWarkiiDowlada oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay sarkaalkii Alshabaab ka...

Dowlada oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay sarkaalkii Alshabaab ka tirsanaa

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Deegaanka ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka Magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka, oo loo diyaariyay loona fuliyay si qorshaysan, ayaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, laguna magacaabi jiray Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, oo ahaa horjoogaha jabhadaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kana mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo door ku lahaa isku-duwidda dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka iyo qaraxyada ay Khawaarijtu ka fulin jireen gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ciidanka, waxayna mar kale caddeynayaan in howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ay si joogto ah u socon doonaan illa laga ciribtiro haraadiga cadowga ummadda Soomaaliyeed.May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -