HomeWarkiiAabe 4 caruurtiisa ka mid ah gacantiisa ku gubay Magaalada Hargeysa

Aabe 4 caruurtiisa ka mid ah gacantiisa ku gubay Magaalada Hargeysa

May be an image of one or more peopleHARGEYSA (DAYNIILE.COM):-Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in dab ka kacay xaafada Oktoobar uu sababay dhimashada 4 caruur ah oo xiligaasi guriga ku sugnaa.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in caruurtaani uu gacantiisa ku gubey aabihii dhalay taasoo si weyn looga hadal hayo magaalada Hargeysa sababta ay ku dhacday.
Wararka ku dhaw dhaw aabaha caruurtiisa gubay ayaa sheegaya inuu Khilaaf kala dhexeeyay xaaskiisa oo ah hooyada dhashay caruurta dabka ku geeriyootay.
Khilaafka oo la sheegay inuu gaaray ilaa heer maxkamadeed hadana waxaan marnaba meesha soo geli karin sabab keeni karta in caruurtiisa uu dab qabadsiiyo, wararku waxay intaasi ku darayaan in caruurta ay ka bad baaday hal gabar.
Guud ahaan caruurta dhimatay waxaa lagu kala sheegay Saddex Wiil iyo Gabar oo da’doodu ka yar tahay 10 sano waana murugo la dhihi karo waxay ka sii xanuun badan tahay tii shalay ka dhacday Magaalada Walaweyn ee Gobolka Shabeeelha hoose.
Si kastaba booliiska maamulka Somaliland ayaa la soo sheegayaa inay gacanta ku dhigeen oo xabsiga dhigeen aabaha gacan ku dhiiglaha ku noqday inuu caruurtiisa dab ku dilo iyagoo nool.
XAFIISKA WARARKA  SIYAASADA
DAYNIILE.COMNo photo description available.No photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -