Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida abaanduulihii guutada 18aad ee GorGor ee CXDS.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa inuu shahiiday maanta walaalkeena Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18aad ee GorGor ee CXDS. Waxaan u tacsiyadeyneynaa ehelkiisa, CXDS iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. waxaana Shahiidka Ilaahey SW uga barineynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo.”

Advertisement

Taliya ayaa ku shahiiday dagaal Khawaarijta Al Shabaab lagu jebiyay oo ka dhacay duleedka magaalada Caad ee Gobolka Mudug. Dagaalkaas ayaa waxaa cadowga looga dilay dhowr maleeshiyaad ah iyo hub badan oo laga furtey.

Previous articleSoomaaliya ma ka mid tahay dalalka aan looga baahneyn dal-ku-galka Kenya
Next articleXOG: Wasiir Xagaa Afrax “Dhulkaan ay naga soo damaacisay Itoobiya waxaa horay looga helay ceelal Shidaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here