HomeWarkiiWasaarada Gaashandhiga oo war ka soo saartay dagaalka Dowladu kula wareetay Deegaanka...

Wasaarada Gaashandhiga oo war ka soo saartay dagaalka Dowladu kula wareetay Deegaanka Bariire

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa galabta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal socday muddo toddobaad ah.

Inta lagu guda jiray howlgalka, in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa la dilay, waxaana gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsan kooxda. Ciidamada ayaa haatan ka wada magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawlgallo nadiifin ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesinnimada CXD, AUSSOM iyo taageerada Saaxiibada Caalamka, waxayna dib kala wadaagi doontaa faahfaahin dheeraad ah marka lasoo gabagabeeyo aruurinta xogta.May be an image of text
Asbuuc dagaal socday kadib oo galabta Alshabaab si buuxda looga saary deegaanka Bariire.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -