HomeWarkiiWasaarada Gaashaandhiga oo soo dhaweysay in Somalia loo doortay xubin ka mid...

Wasaarada Gaashaandhiga oo soo dhaweysay in Somalia loo doortay xubin ka mid ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika 

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa guusha taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku guulaysatay in loo doorto xubin ka mid ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPS) muddada 2026–2028.
Guushan ayaa ah markii ugu horreysay ee Soomaaliya ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2004, taas oo markhaati u ah kalsoonida iyo aqoonsiga ay wadama Afrika u hayaan doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ka qaadan karto horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida qaaradda.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, taasoo muujinaysa iskaashi midaysan iyo dadaal lagu xoojinayo nabadda, amniga, iyo horumarka guud ee qaaradda.
Wasaaraddu waxay mar kale ku adkaynaysaa in Soomaaliya ay sii wadi doonto ka qaybqaadashada dadaallada Midowga Afrika ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay ka shaqeyn doonto xoojinta iskaashiga difaaca iyo horumarinta siyaasadaha amniga ee gobolka iyo Qaaraddaba.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -