Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa maanta shaacisay iney cunaqabateyn ku soo rogtay Shaqsiyaad iyo Hay’ado laga leeyahay Yurub.

Tehran ayaa sheegtay tallaabbadaasi waxa ay u qaadday iney tahay mid ay jawaab uga dhageyso reer galbeedka sida ay dalkeeda ula dhaqmaan.

Hay’adaha la shaaciyey oo ay iran cunaqabateynta saartay waxaa ka mid tahay laanta sirdoonka gudaha ee Ingiriiska ‘MI5’, Saraakil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda dalka Jarmalka.

Shaqsiyaadkaasi oo ay dowladda Iran ku eedeysay i’iney gudaha dalkaasi ka hurinayeen kacdoon iyo xasilooni darro’.

Cunaqabateynta cusub uu midowga yurub saaray dalka Iran waxay ku tilmaantay ‘mas’uuliyad darro.’

Midowga yurubna waxay sheegeen cunaqabateynta cusub ee ay Tehran saarayaan in lagu beegsanayo Ilaalada kacaanka iyo shaqsiyaadka dibadbaxayaasha qasab uga duubo muuqaallo ay dambiyadooda ku qiranayaan.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here