Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in 24 saac oo xiriir ah Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo dhan laga waayey hal kiis oo cudurka COVD19 ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in muddoyinkii ugu dambeeyey ay sii yaraanayeyn kiisaska COVID19 taas ugu dambeyntii keentay in hal kiis laga waayo Soomaaliya oo dhan 24-tii saac ee u dambeysay.

Kiisaska COVID19 ee Muqdisho ayaa maalmihii dambe si gaar ah usii yaraanayey, waxaana muddooyinkii dambe kiisaska u badnaayeen Gobolada Dalka.

Sidoo kale Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dalka oo dhan laga bilaabay qaadashada talaalka cudurka Coronavirus, waxayna dhawaan wasaaradda sheegtay in qeybtii labaad ee talaalka la keenay Soomaaliya.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaan sidaan u qornaa:
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 770
o Laga Helay: 0
o Bogsashada: 21
Tirada Guud ee Laga Helay: 14,779
Bogsashada Guud: 7,016
Dhimashada Guud: 774

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here