Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo ka duulaysa xilka ka saaran Midnimada iyo isku wadka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Ciyaaraha waxay caddaynaysaa inaan doorasho hal dhinac ah la aqbali doonin.

Sida ku cad heshiisyadii ay horay u gaadheen 21 September Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, gudiga Olombikadda iyo xiriirrada ciyaaraha dalka oo xiriirka kubadda cagtu ka mid yahay Wasaaraddu waxay leedahay kaalin kor-joogtayn iyo aqoonsi xalaalnimada doorashada xiriirrada kala duwan ee dalka.

Si loo xaqiijiyo madax banaanida xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa lagama maarmaan ah in ay qabtaan doorasho la aqbali karo oo dhinacyadu ku wada qanacsanyihiin sida ku cad dastuurka dalka iyo shuruucda xiriirka kubadda cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here