Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka XFS ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmuudg ay ka wadeen howgalo sharci soo celinta magaaladda ka socday.

Wasiirka Gargaraka iyo maareynta musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye Ayaa sheegtay in gargaarka oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu gaari doono maanta iyo bari si loo gaarsiiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay howlgaladii la socday maalmahi lasoo dhaafay magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here