Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024 dammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed, ku amartay in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Wasaaradda ayaa sheegtay in hal sanno oo dheeri ah ay qaadan doonaan Ardeyda bilaabaysa Jaamacadaha dalka, iyada oo Wasaaradda ku amartay dhammaan Jaamacadaha dalka iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah Jaamacadda ay maamusho dowladda in ay fuliyaan amarkaan ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada.

Advertisement

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaacisay Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada e asaasiga ah, kuwaas oo Wasaaraddu sheegtay in ay ka mid yihiin: Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda u ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada:-

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here