Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya Mudane, Inj Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa booqday iskuulka al-Mucaasir ee Degmada Hodan iyo Isbitaalka Digfeer oo ay ku jiraan dhaawacyada arday dhiganeysay iskuulka Mucaasir ayaa ka Tacsiyeeyay dhibaatada soo gaartay ardayda iskuulka iyo bulshada Soomaliyeed ee wax ku noqotay Qarax ka dhacay wadada Taraboonka ee Magaaladda Muqdishu.

Wasiirka Waxbarashadda oo Warbaahinta kula hadlay bur-burka dhismaha Iskuulka Al-mucaasir ayaa Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Wadada Tarabuunka Kasoo horjeedka iskuulka Banaadir Sare (Almacaarif Iskuul),kaasi oo bur-buriyay dhismaha Iskuulka Al-mucaasir.

Waxa uuna balan qaaday in ay Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Federalka ee Soomaliya ka qeyb qaadaneyso dib-u-dhiska  iskuulka.

Sidoo kalana ka codsaday Hey’addaha Caalamiga ah ee taageera Waxbarashadda Soomaliya iyo Ganacsatada Soomaliyeed in ay kaalintooda ka qataan dib u howl gelinta iskuulka si ay ubadkii wax ku baranayay usii wataan Waxbarashadoodi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here