1:Aan dib idiin celiyee dhismihi labaad ee maamul goboleedka Galmudug waxaa laga soo maray oo aan badi goob joog u ahayn in la isku wada keenay beelaha dago deeganada Galgaduud/Mudug sababtuna ahayd in aysan isdhax mari jirin qaar koodna ayba is arki Karin kuwaas oo ugu danbeen ay noqotay si loo wada xaliyo in lakala siiyo diyooyin&deegaanba.

2: Waxaa dib uheshiisiin dheer kadib la isku af-gartay in ay muhiim tahay Galmudug in ay hal Madaxweyne yeelato kaas oo larabay in u ka samata bixiyo dhibaatadi la dagtay deegaanka oo qaybo yaroo kamida ay gacantooda kujirtay Al-Shabaab.

3: Hadase maxay Galmudug ku sugan tahay?

Kabilow Galgaduud waxaa horay gacanta uga maqnaa deeganada bariga Galgaduud sida Ceelbuur Ceeldheer Galhareeri iyo Xarar-dheere, maxaa raacay waxaa dhacday in aanan Balanbal&Guriceel la isku gooshin/dhaxmarin sido kale Dhuusamareb &Guriceel ay kala xirantay Cadaado& dhusamareeb warkoodaba daa’ Caabudwaq iyada meel u furan majirto, dhusamareeb dhaxdeeda waxay maraysaa in Sufada ay siday rabaan ka yeeshaan waliba maalin-cad.

Inageeya Mudug iyadana waxaa gacanta shabaab galay kadib madaxweynaha joogo hada ee Qoor-Qoor maamulkiisa markay talada qabteen deeganadii horay xorta u ahaa sida Bacaadwayne/Camara ilaa Wisil iyadoo Gaalkacyo ay dareen ku joog tahay misna Hobyo iyo Gaalkacyo diyaarad la iskaga raaco halki awal gaari uun lagu safri jiray .

Maadaama Madaxweynihii Galmudug loo doortay uu ka doorbiday ka ganacsiga jiritaanka/midnimada reer Galmudug hadaba maxaa inala gudboon?

Aragtidayda hadaba aan iska bilaabe waxay ila tahay maadaama aan nahay sharci ilaaliyaashi/xildhibaanadi in aan la xisaab-tanno xukuumadii dayacaan sameesay misna uu ugu horeeyo Madaxweyne Qoor-Qoor .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here