Wasaaraddda  Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Galmudug ayaa qoraal ka soo saaray sida loo qayb-sanayo kuraasta xubnaha golaha deegaanka ee magaalada Dhuusamareeb, kadib kulan ay xalay la yeesheen waxgaradka caasimada Galmudug.

Waxaa ugu horeyn qoraalka waxaa lagu sheegay in la kordhiyay tirada guud ee golaha deegaanka, taas oo horay u aheyd 27-kursi ayaa lagu daray 2-xubnood, waxayna tirada guud ee golaha noqoneysaa 29 xubnood.

20 ka mid ah kuraastan waxaa loo qoondeeyey in loo qeybiyo beesha degta Dhuusamareeb iyo Gurceel, halka 9 kale loo qeybinayo beelaha kale ee wax ka dega magaalada.

Go’aankan ayaa dhigaya in boosaska guddoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Dhuusamareeb, aan lagula tartami karin jufooyinka ay hada metelaan mas’uuliyiinta ku fadhiya kuraastaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here