HomeWarkiiWasiir 20 Dowladnimada ku soo jirey oo reerkiisu ku eedeeyeen inuusan waligiis...

Wasiir 20 Dowladnimada ku soo jirey oo reerkiisu ku eedeeyeen inuusan waligiis deegaanadiisa waxba u qaban.

Wasiirka cusub ee maalin ka hor Ra’iisulwasaare Xamza  u soo magacaabay Wasiirka Shaqada Somalia ayaa eedii ugu ba’nayd waxay kaga timid Nabadoon sheegay inuu la Wasiirka cusub la  dhashay oo ay ilama adeer yihiin.

Nabadoon Ibraahim Cabdi (Ibraahim Kuusow) oo wareysi siiyay Danan TV ayaa sheegay in Professor Saalim Caliyow Ibrow uu tan iyo siyaad barre kadib soo qabtay ilaa 18 jeer xilka wasiirka iyo xildhibaanimo intaba uusan waligiis dadkiisa iyo deegaankiisa waxba u qaban.

“Professor Saalim Caliyow waxa uu kursiga beesha ku matalayay muddo 20 sano ah, balse waligiis wax uma qaban xitaa xabbad kaniini ah kuma sheegan karo Beesha” ayuu yiri Nabadoon Ibraahim Kuusow

Nabadoonka wuxuu intaasi ku daray in reerka uu ka soo jeedo iyo wasiir Saalim Caliyow inay ka dhex taagan tahay dhibaato sida uu sheegay aan waxba laga qaban karin.

“ceeb waxaa ugu filan inuu maanta wax ka raadshay oo ka qaatay kursi uu ku fadhiyay wiil uu isagu soo korsaday oo abihiisna saaxiib la ahaa”ayuu yiri Nabadoonka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -