MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dowlada Soomaaliya C/raxmaan Al-cadaala ayaa VOA-da wareysi uu siiyay kaga jawaabay su’aalo ku saabsan eedeyn ka timid mas’uul reer Somaliland ah.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee Somaliland Siciid Xasan Habane ayaa Madaxweyne Xasan ku eedeeyey inuu ka danbeeyay banaanbixii shalay ka dhacay Boorama.

Advertisement

Wasiir Alcadaala oo wax laga weydiiyay eedaan ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uu ka masuul yahay islamarkaana uu madaxweynana u yahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed sidaas daraadeedna reer Boorame ay ka mid yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Xasan iyo shacabkiisa Boorama dareenkooda ayaa isku mid noqday marka la eego xad-gudubka Itoobiya laakiin hadii loola jeedo isagaa taleefoon ku soo wacay oo dhahay dibad bax dhigaan waa been taas “ayuu yiri Wasiir Alcadaala

“marka koowaad shacabka Boorame waxay ka mid yihiin shacabka Soomaaliyeed oo uu Madaxweyne Xasan Masuulka ka yahay, xaqa iyo xuquuqda ay leeyihiin shacabka Garowe iyo Xamar mid la mida ayay leeyihiin,masuuliyada kuwaas ka saaran mid la mida ayaana ka saaran”ayuu yiri mar kale Al-cadaala

Sidoo kale Alcadaala oo hadalka sii wata wuxuu sheegay inaaney wax la isku  eedeeyo ahayn Madaxweynaha iyo shacabkiisa Boorame ayaa isku xiran,mana ah wax qof masuula uu ku hadlo sababtoo ah waa shaqadii loo dhaariyay.

Sidoo kale wasiir Al-cadaala wuxuu xusay in madaxweynuhu  u taagan yahay inuu difaaco danaha dadka soomaaliyeed,

“dabcan dadka ku dhaqan gobolada waqooyi sida  Hargeysa,burco,boorame iyo  meelaha kale waxay ka hadleen dareenkooda falkii foosha xumaa ee uu ku dhaqaaqay muuse biixi waana dareen ka dhexeeya madaxweynaha Somalia iyo shacabkiisa, howlgalka dulmi diidka ee madaxweynuhu hogaaminayo ayayna ka mid tahay laakiin hadaad ula jeedo madaxeyne xasan baa teleefoon u diray taasi waa been mana dhicin”ayuu mar kale yiri Wasiir Alcadaala

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wasiir Al-Cadaala oo sheegay in R/W Rooble uusan wadahadal la geli doonin Ahlu-Sunna – Radio Muqdisho

Previous articleDowlada Somalia oo eedeyn ba’an u jeedisay Maamulka Somaliland
Next articleWasiir Dowlada Somalia ka tirsan oo ka hadlay khilaafka kala dhexeeya Maamulka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here