HomeWarkiiWasiir Al-cadaala oo ka jawaabay hadaladii xalay ee mucaaradka ka soo baxay

Wasiir Al-cadaala oo ka jawaabay hadaladii xalay ee mucaaradka ka soo baxay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga jawaabay hadalo ka soo baxay mucaradka Dowlada markii ay xalay warbaahinta hor yimaadeen.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay Siyaasiyiinta mucaaradka sida Shariif,Khayre iyo C/raxmaan C/shukuur in halkii laga rabay aragti siyaasadeed ay la yimaadeen Aflagaado, Gaalaysiin iyo hanjabaad.

“Waa nasiib darro wayn in Odayaal looga fadhiyay aragti Qaran uu warkoodu ku dhamaaday, Aflagaado, Gaalaysiin iyo hanjabaad, hadana isla ragga sidaas u hadlaya ayaa sheeganaya in Dawladdu dilayso, cajiib!”ayuu yiri Wasiir Al-cadaala

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Alcadaala iyo Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi ayaa inta badan u jawaaba mucaaradka marka ay shirar jaraa’id inta qabtaan ku weeraraan siyaasada Dowladu dalka ku hogaamineyso.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -