Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay u diyaarsan yihiin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda & kuwa abaabulkooda ay ku howlan tahay Dowladda.

Axmed Fiqi waxa uu tilmaamay in Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya & Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka si loo dhiirrageliyo Ciidamada howlgalka wada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay fulinayaan baaqyadii kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka & Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre si xoogga loo saaro Amniga.

Ciidamada Dowladda ayuu tilmaamay in ay ku howlan yihiin kahortagga weerarada Al-Shabaab damacsan tahay in ay uga hortagto duullaanka Ciidamada DFS ay ku yihiin deegaannada ay gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Dowladda Federaalka Waxa ay howlgallo ballaaran oo ay ku baacsanayaan nabad-diidka ay kawadaan Gobollada Dalka, waad ogtihiin Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay howlgallo looga xorreeyay deegaanno dhowr ah, Wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa hoggaaminaya, Dowladda Federaalka way u diyaarsan tahay la dagaalanka kooxaha Argagixisada” Wasiir Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & dib u heshiisiinta XFS ayaa sheegay in qorshaha sugidda amniga ee Caasimadda uu socdo si wax looga qabto Hoobiyaasha ku dhaca qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

“Wax ka yar 200 oo qof ayaa cabsi gelinaya in ka badan 3 Milyan oo ruux mana ahan wax loo dulqaadan karo, Dadku waa in ay helaan saldhigyo ay kusoo hagaajin karaan waxyaabaha ay arkaan balse ma ahan taliye saldhig ku hor qaliya, taasi kuma jirto habka aan wadno ee amniga lagu sugayo” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.

Dowlad-Goboleedyada ayuu ugu baaqay in ay qayb ka noqdaan howlgalka si Al-Shabaab loola dagaalamayo iyada oo laga duulayo qorshe mideysan, Wasiir Axmed Macalin ayaa ka digay in la qabiileeyo marka qof lagu qabto fal dambiyeed halka marka uu qaraxa geysanayo aanay la daba galin waa sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here