Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali-Balcad) ayaa ka hadlay warar asbuucii hore soo baxay oo sheegayay in Mareykanku wada hadal hoose la furay kooxda Alshabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.
Cali Balcad wuxuu gabi ahaanba beeniyay jiritaanka warkaasi isagoo ku tilmamay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo waxba kama jiraan ah, wasiir Balcad wuxuu warkaani kaga jawaabayay mar uu warbaahin kula hadlayay Dalka Qatar.
“ma jirto wax wada-hadal ah oo Mareykanka iyo Alshabaab dhex-maray, Mareykaku alshabaab wuxuu u aqoonsan yahay urur argagaxiso”ayuu yiri Wasiir Balcad.
Saraakiil iyo diblomaasiyiin Mareykan ah oo qaarkood wasaarada arimaha dibada Mareykanka wax ka soo noqdeen ayaa qirey inay xiligaan iman karto wada-xaajood lala yeesho Alshabaab madaama xal dhinac kasta laga raadsho.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
