Muqdisho (dayniiile.com)-Maamulaha Bangiga Addduunka ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo  Kristina Svensson ayaa Muqdisho soo gaartay iyadoona uu qaabilay Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.
Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Masuulka ka socda Bangiga Adduunka.
Wasiir Beene-Beene waxay isla soo qaadeen Kristina Svensson xiririka Bangida iyo Wasaarada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa.
Sidoo kale waxay isla gorfeeyeen si gaar ah dhinacyada qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka ka wado gudaha Dalkeena.
Qodobka ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen ayaa ahaa Barnaamijka dayn-cafinta Somalia oo bartamaha bishaan la filaayo in lagu dhawaaqo taas farxad weyn u ah Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
 XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 4 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, dais and text
Previous articleCali Jeyte oo Ciidamo cusub oo Macawisley ah ku soo bandhigay Degmada Halgan+Sawirro
Next articleMaamulka Hiiraan oo soo saaray awaamiir ka dhan ah Gaadiidka waaweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here