HomeWarkiiWasiir Beesha Xawaadle u dhashay oo sheegay in Dagaalka Moqokori aysan wadi...

Wasiir Beesha Xawaadle u dhashay oo sheegay in Dagaalka Moqokori aysan wadi karin dad reer miyi ah balse kaliya ay Dowladi  wadi karto.

JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wasiir Beesha Xawaadle u dhashay ayaa markii ugu horeysay wuxuu  shaaciyay in Dagaalka Moqokori  iyo guud ahaan dagaalada Alshabaab ka dhanka ah aysan ku habooneyn in dadka reer guuraagu hogaamiyaan balse nidaamka saxda ah uu yahay in Dowladu hogaamiso.
Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hirshabelle oo ka hadlayay dagaalkii shalay Alshabaabku ku qabsadeen Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalka aan looga maarmin in Dowladi hogaamiso halkii ay dadka reer guuraaga ka hogaamin lahaayeen.
“Dagaalka Moqokori kuma haboona in dad reer guuraa ah ay hogaamiyaan balse waxay ku haboon tahay in Dowladi hogaamiso mana looga maarmo “ayuu yiri wasiirka arimaha
Wasiirka mar uu ka hadlayay xaalada Moqokori wuxuu sheegay in degmadaasi aysan gacanta alshabaab ku wada jirin,wuxuu xusay in wali ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanku dhinac ka joogaan Moqokori gaar ahaan dhanka waqooyi.
Sidoo kale mar uu ka hadlayay khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay Moqokori ka dhacay ayuu sheegay inay ku dhinteen dad muhiim u ahaa dagaalada lagu jiro alshabaab balse laga gud-bi doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
Wararka Maanta: Arbaco, Feb 22, 2023-Wasiir Karoore "Dayac amni oo lagu  sameeyay ayay u dhinteen dhaawacyada lagu weeraray gurigii ay ku sugnayeen"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -