GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka caddaaladda maamulka Puntland Maxamed Cabdi-Wahaab ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay masuuliyiinta Maamulada Puntland iyo kuwa SSC Khaatumo.
Wasiirka wuxuu tilmaamay in bilowgii bishii oktobar sanadii 2023 Puntland iyo SSC Khaatumo isla go’aamiyeen qaabka loola shaqaynayo SSC Khaatumo iyo sidoo kale difaaca deegaamada xuduudaha xiga.
Mar uu ka hadlayay maamulka reer SSC khaatumo dhisanayaan ee ay sheegeen inuu ka kooban yahay Sanaag,Ceyn iyo Sool ayuu gabi ahaanba meesha ka saaray Gobolada Sanaag iyo Heyland isagoo tilmaamay in dhulkaasi Puntland ka tirsan yahay
 “heshiiskii reer SSC Khaatumo aan kula shaqeyn jirney kuma jiraan inay Sanaag iyo Heyland ku darsadaan maamulkooda”ayuu yiri Wasiirka cadaalada Puntland.
XAFIISKA WARARKA SIYASADAÂ
DAYNIILE.COM
