Wasiiru Dowlaha Wasaarada arimaha dibada Somalia Cali Balcad ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiin Mucaaradka gaar ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed xili Axada so socota uu Muqdisho ka furmayo shir wada-tashi Qaran oo u dhexeeya Dowlada iyo Mucaaradka.
Wasiir Cali Balcad oo aad ugu dhaw Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in mawqifka dawladda ee xagga doorashooyinka aanay waxba iska badali doonin,wuxuu xusay in Maamul Goboleedyadana Dowladu ku qancisay inay deegaanadooda ka qabtaan golayaasha deegaanka.
Wasiirka isagoo ku dhaga-hadlaya mucaaradka ayuu carabka ku dhuftay in tareenku dhaqaaqay islamarkaana aan marnaba dib loogu laabaneyn nidaamyadii hore ee doorashaooyinka loo qaban jirey.
Lama oga in warka Wasiir Cali Balcad uu wax u dhimi doono qorshaha shirka u dhexeeya Mucaaradka iyo Dowlada kaasoo Axada soo socota ka bilaabanaya Magaalada Muqdisho laguna wado in heshiis looga gaaro arimaha doorashooyinka sida ay noqon doonaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
