HomeWarkiiwasiir Cali Xoosh oo Beelaha Gaal-jecel iyo 5-ta Caleemood kala hadlay ...

wasiir Cali Xoosh oo Beelaha Gaal-jecel iyo 5-ta Caleemood kala hadlay xalinta dagaalka ka dhexeeya+SAWIRRO

May be an image of one or more people and textWasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulamo gaar ah la qaatay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Gaaljecel iyo 5-ta Caleemood.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda deegaannada ay colaaddu ka socoto, dadaallada dib-u-heshiisiinta ee socda, iyo sidii loo xallin lahaa arrimaha iskhilaafka keenaya, isla markaana looga gaari lahaa xal waara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS, Mudane Cali Xoosh, oo madasha ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khasaaraha ka dhashay colaadda, isaga oo soo qaatay qiimaha ay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed siiyeen ilaalinta nafta iyo hantida, iyo muhiimadda ah in la dhiirrigeliyo nabadda, walaaltinimada iyo wada-noolaanshaha.

Mudane Wasiir Cali Xoosh ayaa hadalkiisa ku soo gebogebeeyay in cid kasta gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ay masuuliyad ka saaran tahay koryeelidda qiimaha wadahadalka, nabadaynta, is-cafinta.May be an image of one or more people and newsroomMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text that says "D"May be an image of one or more people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -