Wasiirka arimaha gudaha Somalia Cali Yuusuf Cali Xoosh  ayaa si weyn uga  digay in Tiirarka Dowladnimo loo kala saaro beelo gaar ah
Wasiirka wuxuu xusay inuu maqlay hadalo dhahaya tiirarka dowladnimada midwalba waxaa iska leh beel gaar ah.
“Aragtida ah in tiirarka dowladnimada loo kala saaro beelo gaar ah, waa mid khatar ku ah dowladnimada iyo midnimada qaranka”ayuu yiri Wasiirka
Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in Dowladnimadu ahayd wax Beelo loo kala tiriyo isagoo ka digay talaabooyinka nuucaas ah.
“Dowladnimadu ma aha wax loo kala tiiriyo beelo, waa wax ay wada leeyihiin dhammaan bulshadda Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Wasiirka
Wasiir Xoosh wuxuu ku baaqay in la iska diidaa aragtiyada noocan ah oo uu xusay inuu yahay mid bulshada kala qeybinaya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
