BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha gudaha Somalia Cali Xoosh ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay Magaalada Baydhaba wuxuu fariin culus u direy Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabele Cali Guudlaawe iyo Waqooyi Bari C/qaafir Firdhiye
“Wixii hada ka danbeeya Madaxweyne dowlad goboleed ma jiro waa hogaamiye masuul kasta oo maamul Goboleed”ayuu ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh
Wasiirka wuxuu intaas ku daray in Dastuurka cusub ay ku qoran tahay in magaca la isticmaalayo uu yahay Hogaamiye.
“Hadey Dastuurkii gashay akhiyaarta nala joogta ee magacaan caadeysatay Madaxweynaha hirshabelle iyo waqooyi bari magacaas galabta halkaanaad kaga tageysaan, kuwa jid iyo jaha diidka iyagana taasaa u qoran”ayuu yiri Wasiir Cali xoosh
