GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamudu Caydiid Dirir ayaa mar kale weerar aka ah ku qaaday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh kadib markii ay soo baxday inuu Kismaayo tagayo islamarkaana wada-hadal la furayo Axmed Madoobe
Wasiirka oo saxafiyiinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xassan yahay cida Somali kala dirtay islamarkaana hore u diiday in wada hadal laga galo khilaafaadyada jira.
“Madaxweyne Xassan awalna isagaa Soomaali kala direy, maantana waa kaas hada sharciga usoo laabtay markuu gidaarka madaxa ku soo dhufsaday”ayuu yiri Wasiir Caydiid Dirir
Wasiirka wuxuu rajo ka muujiyay in Madaxweynuhu hada isbadal la iman doono islamarkaana uu dastuurkii ku soo noqon doono, wasiir Caydiid wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynuhu suu u ordaayay inuu daalay.
” wuxuu ordaba wuu Xiiqay, oo waaga ka baryay gidaarka ayuu hada soo taabtay marku dalayna sharcigu sidu ahaa ayaa u soo noqday” ayuu mar kale yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
