GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku dhawaaqay ineysan u hogaansameyn nidaamka Dal ku galka Online-ka ah ee ay soo rogtay Dowlada Somalia.
Wasiri Ceydiid wuxuu si cad u sheegay in qof kasta oo ka soo dega garoomada Puntland ay ka qaadi doonaan sidii horaba 60 doolar , wuxuu xusay in Dowlada Somalia kaliya xukunto Magaalada Muqdisho.
“Dal ku galka Online-ka ah E-Visa waa isbaaro ay hawada dhigatay Dowlada Somalia oo maamusha Xamar kaliya” ayuu yiri Wasiir Ceydiid Dirir
Dhamaan Maamulada dalka sida Puntland iyo Somaliand dadka dadka ku dagaya ee wata basaboorada shisheeye , haday hadana Muqdisho soo aadaan waxay noqonysaa inay laba lacag bixiyaan waase hadii mamuladaasi aysan u hogaansamin lacagta ku dhaceysa qasnada Dowlada Somalia taasina waxay caqabad ku noqoneysaa dhaqaalihii ay maamuladu iska qaadan jireen.
Dhanka kale talaabadaani waxay sii kordhin kartaa muranka iyo khilaafka ka dhexeeya maamulada qaarkood iyo Faderaalka Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

