Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu eedeeyn ugu soo jeediyay rag uu sheegay inay Madaxweyne Xasaan la shaqeeyaan.
“nimanka isku jifada Hoose ah ee xamar jooga waxay ku caanbexeen kala qaybinta dhulbahante”ayuu yiri Wasiir Ceydiid
Qoraalka Wasiirka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Magac been ma baxo nimanka isku jifada Hoose ah ee xamar jooga lana shaqaysta xasan sheekh waxay ku caanbexeen kala qaybinta dhulbahante hore ayay ugu kala qaybiyeen xamar iyo laascaanood.
Waxaa u muuqda kuraasta ay doonayaan oo aanay hubin in ay helidoonaan iyo in ay gaadhi doonaan toona, hore ay dhulbahante ugu kala qaybiyeen xamar iyo laascaanoodba
Nimankii shirarkii laascaanood ka dhacayey ka ilaaliyey in ay ka hadlaan faaraxgaraad iyo baha nugaaleed cid ku abtirsataa haday ahaan lahayeen siyaasiyiinta ama isimo, cuqaal iyo cid kaletoona
Dhulbahante muda badan baan u sheegayey ujeedada nimankaa caawa ma idiin cadahay Kuwaas Hogaanka kala baxa
