Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowlada  Falastiin Riad Malki ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay hub dagaal u adeegsatay shacabka Gaza iyo isbitaaladooda.

Hadal uu ka jeediyay kalfadhigii 55-aad ee heerka sare ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee Geneva, ayuu Malki ku yiri:

Advertisement

“Inta aan hadda ka warheyno 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo Gaza ku nool ayaa loo geystay xasuuq, iyagoo noqday dhibanayaal cuduro, faafa, gaajo iyo harraad.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowlada  Falastiin Riad Malki ayaa ugu baaqay Qaramada Midoob in cunaqabatayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale lagu soo rogo Israa’iil.

“Israa’iil waxay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah, gardarrada ay ku hayso dadkeenna ku sugan Marinka Qaza,dagaalka xasuuqa ah, iyo dembiyada ay ka gaysanayso xuquuqda lama-guuraanka ah ee dadka reer Falastiin”.ayuu yiri Riad Malki

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Previous articleWararkii ugu danbeeyay ee Xaalada Gaza
Next articleHay’ada Maareynta Masiibooyinka oo qaabishay Hay’ado Caalami ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here