Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe ayaa Axmed Siciid Maxamed u magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabista Wasiirka Amniga Soomaaliya oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, “Wasiirka Amniga XFS Dr Maxamed Cali Doodishe ayaa Mudane Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Advertisement
May be an image of 1 person and newsroom
Axmed Siciid Maxamed, Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

Magacaabista uu sameeyay Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya ayaa imaanaysaa kaddib markii uu todobaadkii la soo dhaafay uu iscasilay Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul).

Agaasimihii hore ee Hey’adda Cabdul ayaa ka mid noqday 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne, iyada uu Xeer ilaaliyaha uu sheegay in Agaasimaha dalka ka baxsaday.

Previous articleRW Xamsa oo Wasiirka Korontada & Biyaha oo faray deegaanada lagala wareegay AS in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah
Next articleWasiirki Maaliyadda oo xilki laga qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here