Waxaa la yiraa SHARIIF WAA QOFKI NAFTIISA SHARFA….

Haa waa sax in Somaliya in ay tahay dal madax banaan oo ay dadka Soomaaliyeed wada jeclaan lahaayeen in madax banaanidaa lagu qadariyo.. Laakiin Dubbow haddaanan beesha caalamku idin xaddidi lahayn maxaad samayn laheedeen?

haddaad tihiin siyaasiyiinta soomaaliydey
(1) Ma u malayhee haddaan la idin dhihin Processyo is dhinac socdo maya, process aan loo dhamayna maya
(2) Madaxwayne maamul goboleed oo Xamar ka bixi karo maya inta laga heshiinaa?
(3) Farmaajo waxaan kuugu baaqaa ( ku amraa) in aad hubisid in shirka loo dhamaado (4) Dani, Madoobe, Guudlaawe,Qoorqoor iyo Laftagareenow waxaan idinkugu baaqaa ( idin amraa) in joojiya shuruudaha ka horeeya shirka ( Pre-conditions-ka)

Waxaan hubaa haddii aysan taas jiri lahayn maanta Xamar waxaa ka jiri lahaa
(1) Khad cagaaran 2) Dagaal sokeeye iyo 3) Ugu yaraan laba madaxwayne, laba baarlamaan iyo laba gole wasiir, ciidamaduna beelahooda ayey ku kala biiri lahaayeen.

Wax cusubna ma ahan oo taas horay ayey u dhici jirtay.. Waxaa intaas sii dheer adiga iyo senetor Cabdi Xaashi Cabdillahi waxaad isu raaci lahaydeen magaaladii Burco. Madaxda kale ee baasaboorada Yurub iyo Amerika watana hal diyaarad ayey isla kiraysan lahaayeen oo ilmahooda iyo xaasaskooda u noqon lahaayeen. Taas ayaa ah runta biya kama dhibcaanka ah.

Waxaa Qoray Prof Mohamed Hassan Cawaale
Macalin Jaamacdii Lafoole
Wariye Qaybta Carabiga Radio Muqdisho 1980 maadkii,

Macalin Jamacadaha dambe ee Hormuud, Benaadir,Muqdisho Jazeera, iyo kuwo kale hadana Degan Norwey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here